Raila Odinga oo sheegay inay diyaar u ahaayeen wada hadal kala dhexeya dowladda

0
411

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya ,Raila Odinga ayaa markii ugu horreysay ka soo muuqday goob fagaare ah tan iyo intii uu hergab haleelay.
Wareysi uu siiyay warbaahin isugu jira maxalli iyo kuwo caalami ah ayuu ku sheegay inay mar waliba diyaar u ahaayeen wada xaajoodyo kala dhexeynaya dowladda talada haysa balse taasi aan la tixgelin.
Afhayeenka guddiga ololaha madaxtinnimo ee Raila Odinga, Prof. Makau Mutua ayaa qoraallo uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu muujiyay in maamulka Kenya Kwanza uu carqaladeeyay wada hadalladii baarlamaaniga ee socday.
Waxaa uu intaasi ku daray in garabka mucaaradka ee dalka uunan marnaba doonayn awood qaybsi siyaasadeed balse mudaaharaadyada ay yihiin kuwo uu ku dalbanaya in la yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.