In ka badan 20 ka mid ah ciidamada ammaanka ee India oo weerar lagu dilay

0
556

Ugu yaraan 22 ka mid ah ciidamada ammaanka ee dalka India ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weeraro gaadmo ahaa.
Weerarka ayay dowladda wadankaas ku eedeysay maleeshiyada Maoists
Waxaa falkan lagu dhaawacay 30 sarkaal oo dheeraad ah.
Weerarka ayaa ka dhacay gobolka ku yaalla bartamaha India ee Chhattisgarh waxaana lagu tilmaamay dhacdadii ugu dhiig daadasha badneyd ee wadankaas muddo 4 sano ah.