Dowladda dalka Giriigga ayaa maanta sheegtay in ay kordhinayso mudada ay sii xayirnaanayaan duulimaadyada caalamiga ah.
Amarkan ayaa sii shaqeyn doono ilaa 19-ka bishan Afaraad.
Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha wadankaas ayaa sii jiri doonto ilaa 12-ka April.
Waxay tani ku soo aadaysaa iyada oo dhanka kale xaaladaha caabuqa corona ee Giriigga ay sii kordhayaan.
Amarrada dowladda waxaa qayb ka ah in cid kasta oo dalkaas u safraysa ay hesho shahaadada PCR oo muujinaysa in aan cudurka COVID-19 laga helin.
Rakaabka ayaa laga doonaya in cudurka laga baaray 72 saacadood gudahood inta aynan wadankaas gaarin.
Sidoo kale dhammaan ajaaniibta Giriigga safarrada ku tago waxay galayaan karantiil muddo 7 cisho ah.
Waxaa wadankaas laga mamnuucay duulimaadyada wadamada aan xubnaha ka ahayn midowga Yurub marka laga reebo 10 wadan oo Ingiriiska uu ka mid yahay.
Duulimaadyada gudaha waxaa la ogolyahay keliya safarrada aadka muhiim u ah.
Sidoo kale waxaa xiran dugsiyada , maqaayadaha iyo dukaamada aan lagu iibin cuntooyinka aasaasiga ah .
Hasa ahaate maamullada caafimaadka ee Giriigga ayaa qorsheynaya in laga billaabo berri oo Isniin ah la furo dukuumada tafaariiqda lagu iibiyo iyada oo shuruudo dhanka caafimaadka ah la raacaya.
Sidoo kale dugsiyada sare ee wadankaas ayaa lagu wadaa in dib loo furo dabayaaqada bishan si casharrada tooska ah ay dib ugu billowdaan.
Wadanka Giriigga waxaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay ugu yaraan 273,000 oo ah xaaladaha cudurka COVID-19 iyo dhimasho ka dhalatay oo ah in ka badan 8,300.