Waaxda DCI oo dadweynaha uga digtay waxyaabaha lagu faafinaya baraha bulshada

0
305

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka war heshay waxyaabo aan sax ahayn iyo kicin dadweyne oo lagu faafinaya baraha bulshada taasoo cabsi ku beertay shacabka.
Waaxda ayaa sheegtay in kastoo dastuurka dalka uu qofka xaq u siinaya inuu dareenkiisa muujiyo haddana in aan loo baahneyn in tani loo adeegsado in xasilooni darro iyo rabshado la abuuro.
DCI ayaa intaasi ku dartay inay baaritaano ku sameyn doonto cid kasta oo sharciga jebisa si dacwad loogu soo oogo.
Waxay dhanka kale u mahadcelisay dhammaan kenyaanka nabadda jecel ee garab siinaya dadallada lagu xaqiijinaya nidaamka kala dambeynta ee maamulka.