Dab ka kacay xero militari oo ku taalla Crimea

0
284

Waxaa lagu soo warramayaa inuu dab ka kacay xero militari oo ku taalla degmada Kirovske ee gobolka Crimea oo uu Ruushka Ukraine ka goostay sanadkii 2014-kii.
Dhacdadaasi ayaa sababtay in la daadgureeyo in ka badan 2,000 oo qof.
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Crimea Sergei Aksyonov ayaa sheegay in la xiray waddada wayn ee halkaasi u dhow.