Kal-fadhiyada aqalka sare oo maanta dib u furmaya

0
298

Waxaa abaare 2:30 galabnimo ee maanta dib u billaabanaya kal-fadhiyada aqalka sare ee dalka ka dib fasax ay senatarrada ku jireen laga soo billaabo 29-kii bishii 6-aad ee sanadkan.
Waxyaabaha ay senatarrada eegi doonaan waxaa ka mid ah hindise sharciyeedka adeegyada caafimaadka bulshada oo uu gudbiyey senatarka ismaamulka Homabay ,Moses Kajwang.
Sidoo kale waxaa xubnaha aqalka sare hor yaalla hindisayaasha arrimaha beeraha iyo xoolaha ,ganacsiga iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Senatarrada ayaa lagu wadaa inay dhanka kale ka doodaan mooshin ka dhan ah tallaabo ciidamada dalka Uganda loogu eedeyay inay xabsiyada ugu taxaabaan kalluumeysatada kenyaanka ah waxaana mooshinkan aqalka sare hor geeyay senatarka ismaamulka Siaya Oburu Oginga.
Senatar Karen Nyamu ayaa iyadana gudbisay mooshin ay ku doonaysa in dib u eegis lagu sameeyo mushaaraadka shaqaalaha iyadoo lagu saleynaya qiimaha sarreeya ee maciishadda.