Senatarka ismaamulka Kisii , Richard Onyonka ayaa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha garabka mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga laga doonaya inay fahmaan inay haystaan muddo 24 saacadood ah oo ay qaranka uga badbaadin karaan burbur.
Waxaa uu senatarka hoosta ka xarriiqay in madaxdan laga doonaya inay ismari waaga siyaasadeed ee ka dhexeya ay si nabad ah ku xalliyaan.
Xildhibaanka deegaanka Tetu ee ismaamulka Nyeri Geoffrey Wandeto ayaa dhankiisa madaxa mucaaradka dalka Raila Odinga ugu baaqay inuu baajiyo dibadbaxyada qorsheysan oo uu madaxweynaha dalka William Ruto la xiriiro si xal looga gaaro tabashooyinka jira.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo mucaaradka ay ku adkeysanayaan inaynan ka laaban doonin qorshahooda ah inay toddobaad kasta maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcada dhigaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dhexe.
Dhanka kale dowladda ayaa wacad ku martay in aan marnaba la oggolaan doonin in mudaaharaadyo rabshadeysan ay ka dhacaan gudaha wadanka.




