Adan Barre Ducaale oo gaaray ismaamulka Wajeer

0
402

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Adan Barre Ducaale ayaa saaka gaaray ismaamulka Wajeer.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in socdaalka wasiirka uu ku qotomo sare u qaadidda howlaha gaashaandhigga gaar ahaan meelo u dhow xadka ay wadaagaan waddamada Kenya iyo Soomaaliya ee ay mararka qaar ka dhacaan weerarrada argagixiso.
Ducaale iyo dhigiisa arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki ayaa wacad ku maray in la burburin doono kooxaha weerarrada ka gaysta gobollada Waqooyi Bari iyo Xeebta ee dalka.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in laamaha ammaanka ee dalka ay ka takhaluseen 150 argagixiso ah oo weerarro ka gaystay Waqooyi Bari iyo Xeebta.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ku heshiiyeen in 90 cishe gudaheeda dib loogu furo xadka ay wadaagaan balse qorshahaasi ayaa dib loo dhigay iyadoo lagu saleynaya weerarro dhawaan dhacay.