Guddiga qaran ee arrimaha xuquuqul aadanaha ee KNCHR ayaa ciidamada booliiska ku eedeyay inay awoodo xad dhaaf ah u adeegsadeen la tacaalidda dibadbaxyadii ka dhacay wadanka.
Guddoomiyaha guddigan ,Roseline Odede ayaa nasiib darro ku tilmaantay in booliiska ay dhibaateeyeen shacab aan hubeysnayn oo muujinayay dareenkooda .
In kastoo dowladda dhexe ay sheegtay in mudaharaadyadii mucaaradka ee Jimcihii ay ku dhinteen 6 qof haddana guddoomiyaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ayaa tiradaasi ku sheegtay 7 ruux.
Waxay sidoo kale dhaliishay in shalay ciidamada booliiska ay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas u adeegsadeen inay kala eryaan dad isugu soo baxay waddooyinka ismaamullada Nairobi, Mombasa, Migori, Kisii , Kisumu iyo Machakos oo cabasho ka muujinayay xaaladda nololeed ee dalka.
@HakiKNCHR reiterates that the right to assemble, demonstrate, picket & present
petitions to public authorities is guaranteed under Article 37 of the Constitution,
provided that demonstrators are peaceful & unarmed.
(READ MORE)⬇️https://t.co/WvzOFvNlON#Maandamanowednesday— KNCHR (@HakiKNCHR) July 12, 2023
detentions, torture, cruel, inhuman, and degrading treatment as well
as the persistent restriction and denial of the right to assemble and hold demonstrations.
2/2— KNCHR (@HakiKNCHR) July 12, 2023




