Sarkaal horay uga tirsanaa GSU-da oo la xiray

0
351

Waxaa gacanta lagu dhigay sarkaal horay uga mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da oo lala xiriirinaya falal dhac ah oo laga gaystay deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru.
Falalkaasi ayaa gaaraya sagaal.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in askarigan hore oo magaciisa lagu soo koobay Ruoro looga shakisan yahay inuu la shaqeynayay koox burcad ah oo xubnihii ka tirsanaa la dilay ama la xiray.
Falal dambiyeedyada dhaca ah ee lala xiriirinaya ayaa laga gaystay ismaamullada Mombasa, Kwale, Kilifi iyo Machakos wuxuuna hadda maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.