Ruushka oo xalay duqeymo ka gaystay Kyiv

0
287

Dowladda Ruushka ayaa habeenkii labaad xalay duqeymo dhinaca cirka ah ka gaysatay magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine iyo deegaannada u dhow.
Waxaa sidatan xaqiijiyay saraakiil ka tirsan dowladda Ukraine oo shacabka ugu baaqay inaynan guriyahooda ka soo bixin intii ay weerarradu socdeen.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka , Sergey Lavrov ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta dalka Indonesia ku sheegay in duullaanka militari ee ay in ka badan hal sano ka wadaan gudaha wadanka Ukraine uunan soo afjarmi doonin ilaa iyo inta reer galbeedka ay ka joojinayaan isku daygooda ku aaddan in laga guulaysto xukuumadda Moscow.