Madaxweynaha Iiraan oo baajiyay safar uu ku imaan rabay Kenya

0
413

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House, Xuseen Maxamad ayaa sheegay in dib loo dhigay safar uu qorshuhu ahaa inuu Kenya ku soo gaaro madaxweynaha Iiraan ,Ebrahim Raisi .
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in safarkaasi la baajiyo iyadoo loo diyaar garoobayay in madaxweyne William Ruto uu maanta qaabilo dhigiisa Iiraan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha Iiraan shaaciyay inuu u soo safri doono Kenya, Uganda iyo Zimbabwe .
Xukuumadda Tehraan ayaan weli soo saarin bayaan ay ku faahfaahinaysa sababta dib loogu dhigay booqashada madaxweynaha dalkaasi.