Taliska dhexe ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay weerar xaga cirka ah, kaas oo uu ku dilay hoggaamiyaha kooxda isugu yeerta dowladda islaamka ee ISIS, Usamah al-Muhajir, xilli uu ku sugnaa Bariga wadanka Syria.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay, in dilka hoggaamiyahaasi ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca MQ-9.
Washington ayaa sanadkii tegay howgallo ka dhan ah ISIS ka billowday Syria iyadoo dishay islamarkaana xirxirtay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha kooxdaasi
Maraykanka ayaa hoggaaminayay howgal lagu dilay hoggaamiyihii hore ee ISIS, Abu Bakr al Baghdadi.




