Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Raila Odinga ayaa maanta socdaal lug ah ku soo wareegay bartamaha magaala madaxda dalka Nairobi ee CBD.
Waxaa uu sheegay in socdaalkani uu uga goleeyahay sidii uu u ogaan lahaa xaaladda nololeed ee Kenyaanka.
Raila Odinga ayaa dadweyne badan kula kulmay goobaha laga raaca gadiidka dadweynaha ee mataatuuda ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi, isagoona baabuurka la soo raacay si uu uga xog wareysto culeysyada dhaqaale ay dareemayaan.
Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa maanta.
Raila Odinga oo sidoo kale dadweyne kula hadlay bartamaha Nairobi ee CBD, ayaa sheegay inay doonayaan uruurinta saxiixyo gaarayo 15 milyan oo ka dhan ah maamulka madaxweyne William Ruto.
Madaxa Azimio ayaa xusay in wax walba ay sameynayaan aysan isaga u gaar ahayn, islamarkaana ay ugu daneynayaan qaranka iyo dadweynaha.
It was painful to hear in detail about the hardship our people face daily due to the inept and illegitimate regime's actions.
I also took the opportunity to visit the statues of Tom Mboya and Dedan Kimathi. It was a pleasant morning. 2/2 pic.twitter.com/39vQRrTHNb
— Raila Odinga (@RailaOdinga) July 10, 2023