Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dhakhaatiirta dalka oo wacad ku maray inay shaqo joojinta sii wadayaan

Dhakhaatiirta dalka oo wacad ku maray inay shaqo joojinta sii wadayaan

Howlwadeenada caafimaadka ee dalka gaar ahaan saraakiisha isbitaallada kala duwan u qaabilsan bixinta daawooyinka ee ku mideysan dalladda KUCO iyo sidoo kale kalkaaliyaasha ayaa sheegay inaynan soo afjari doonin shaqo joojin qaran oo ay ku guda jireen in ka badan 37 cisho.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladaha ismaamullada ay ku hanjabeen inay dhakhaatiirtan shaqada laga eryaya hadii sida ugu dhaqsiyaha badan aynan iskaga xaadirin goobihii ay ka howlgalayeen.
Hasa ahaate saraakiisha caafimaadka ayaa ku adkeysanaya inay Khasab tahay in la dhaqangeliyo qodobbo lagu heshiiyay .
Waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ka mid ah in laga haqabtiro agabka la iskaga difaaco cudurka COVID-19 oo tayo leh ee PPEs, in la siiyo lacago gunnooyin oo la xiriira halista shaqo iyo arrimo kale.
Golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ayaa dhakhaatiirta ku eedeynaya inaynan diyaar u ahayn in la xalliyo tabashoyinkooda.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee ururka KUCO George Gibore ayaa sheegaya inay golaha CoG u qoreen ilaa 5 warqadood balse aan ilaa iyo hadda loo soo bandhigin heshiis ay ku qanci karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments