QM oo cambaareysay weerarrada Israa’iil ee Jenin

0
254

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay howlgallada ay ciidamada militariga ee Israa’iil ay ka fuliyeen magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee dalka Falastiin.
Waxaa uu sheegay in Israa’iil ay adeegsatay awood xad dhaaf ah.
Weerarrada ayay qaramada midoobay ku sheegtay inay yihiin kuwii ugu waynaa ee muddo labaatan sano gudaheeda ah lagu bartilmaameedsaday xerada qaxootiga ee Jenin.
In ka badan 100 qof oo shacab ah ayaa halkaasi ku dhaawacmay waxaana guriyahooda ka qaxay kumanaan kale.
Guterres ayaa sidoo kale laga soo xigtay in howlgallada Israa’iil lagu burburiyay dugsiyo, isbitaallo halka la carqaladeeyay adeegyada biyaha iyo korontada .
Waxaa uu Israa’iil ugu baaqay inay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran badbaadinta nolosha shacabka sida ku qeexan xeerarka caalamiga ah.
Ugu yaraan 12 qof oo u dhashay Falastiin ayaa lagu dilay howlgalladii ay ciidamada Israa’iil labo maalmood ka wadeen magaalada Jenin.