Waxaa lagu wadaa inay kulmaan madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyy iyo dhigiisa Bulgaria, Rumen Radev.
Sidoo kale waxay is arki doonaan Ra’iisul Wasaaraha wadanka Bulgaria, Nikolai Denkov, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee dowladaasi, xildhibaannada iyo wariyaasha oo ay la hadli doonaan.
Kulanka ayaa ka dhici doono magaala madaxda Bulgaria ee Sofia.
Dhinacyada ayaa ka wada hadli doono arrimaha ammaanka iyo shirweynaha ay toddobaadka dambe yeelanayaan xubnaha gaashaanbuurta NATO.




