DHAGEYSO:Howlwadeennada shirkadda korontada KPLC laanteeda Kitengela oo maanta dhigay dibadbax

0
326

Ilaa 30 ka mid ah howlwadeennada shirkadda adeegga korontada dalka ee KPLC laanteeda Kitengela ayaa maanta dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan waxa ay ku tilmaameen cadaalad darro lagula kacay sarkaal ay wada shaqeeyaan.
Arrintan ayaa timid ka dib markii xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka bariga Kitui Nimrod Mbai uu xadgudub u gaystay Julius Onkangi oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda korontada dalka ee KPLC.
Mudanaha ayaa laga dhex arkay muuqaal isagoo dharbaaxaya Onkangi ka dib markii sida la sheegay uu mas’uulka KPLC meesha ka saaray khadka korontada oo si aan sharci ahayn loogu xiriiriyay guriga mudanaha ee Kitengela.
Waxay dalbadeen inuu cadaalad helo qofka shaqaalaha ah ee la dhibaateeyay.