Wiil Soomaali ah oo maanta la soo taagay maxkamad ku taalla Nairobi

0
475

Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdixakiim Saciid ayaa la soo taagay maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi ka dib markii lagu eedeyay inuu dalka ku joogay si sharci darro ah.
Waxaa la sheegay in uusan ahayn muwaadin Kenyaan ah, uuna haysatay sharciga aqoonsiga qaran dalka ee Kibaandaha, kaas oo been abuur ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha sharciga ay baarayaan tuhunka dukumeentiyada been abuurka ah ee lagu helay eedeysanaha.
Garsooraha maxkamadda Makadara ayaa booliiska ku amray in Cabdixakiim Saciid xabsiga lagu sii hayo inta baaritaanada laga soo gabagabeynaya.