Bangiga Adduunka oo Ukraine siinaya 1.5 bilyan oo doolar

0
251

Dowladda dalka Ukraine ayaa lagu wadaa inay Bangiga Adduunka ka hesho lacag dhan 1.5 bilyan oo doolar.
Waxaa arrinkan sheegay Ra’iisul Wasaaraha wadankaasi Denys Shmyhal.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in lacagtan loo adeegsan doono dib u dhiska iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha Ukraine .
Waxaa Ukraine damiin ka ah dowladda Japan sida uu sheegay Shmyhal oo intaasi ku daray in lacagta la marin doono barnaamijka horumarka dhaqaale iyo badbaadinta bulshada.