Guddiga PSC oo xayeysiiyay jagadii uu baneeyay Nuurdiin Xaaji

0
309

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa shaaca ka qaaday in la qabanaya codsiyada kenyaanka daneynaya inay buuxiyaan jagadii uu baneeyay Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji ee agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii Nuurdiin uu noqday agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
PSC ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in shakhsiyaadka codsiyada dirsanaya laga doonaya inay haystaan shahaadada heerka Degree ee culuunta sharciga oo ay ka qaateen jaamacad la aqoonsan yahay.
Sidoo kale qofka ayaa laga doonaya inuu yahay garyaqaan la shaqeeya maxkamadda sare ee dalka.
Waxaa shuruudaha ka mid ah inuu qofku leeyahay khibrad shaqo oo ah ilaa toban sano oo uu ahaa garsoore sare ama inuu ku xeel dheer yahay akadeemiyada dhanka sharciga.
Sidoo kale waxaa looga baahan yahay inuu buuxiyo shuruudaha cutubka 6-aad ee dastuurka dalka oo qeexaya hufnaanta hoggaamineed .
PSC ayaa codsiyada qaban doonto ka hor ama ugu dambeyn 5-ta galabnimo ee 12-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la dhaariyay guddi ka kooban toddobo xubnood oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay inay soo xulaan agaasimaha xiga ee waaxda dacwad oogidda wadanka.