Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in 10 qof ay ku dhinteen weerar ay dowladda Ruushka ka gaysatay magaalada Kramatorsk ee bariga dalka Ukraine.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo saaray labo meyd oo dheeraad ah sida ay warbaahinta u sheegtay afhayeenka gobolka Donetsk , Veronika Bakhal.
Booliiska magaaladaasi ayaa sheegay in ugu yaraan 61 qof oo dheeraad ah ay weerarkaasi ku dhaawacmeen.