Ibraahim Richmond oo ahaa wadaad Masiixi ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, dhawaana qaatay diinta Islaamka, ayaa waxaa sanadkan uu ka mid yahay kumanaanka muslimiinta ah ee gudanaya acmaasha Xajka
Richmond ayaa islaamay saddex bilood ka hor, iyadoo kumanaan Masiixiyiin ah oo kaniisaddiisa ka tirsan ay raaceen oo aqbalay Islaamka.
Muuqaal fayras ah, kaas oo ku soo baxay intarneetka bishii Saddexaad ee sanadkan, Richmond iyo kumanaan taageerayaashiisa ah ayaa la arkay iyagoo ku dhawaaqaya Shahaadada.
Waxaa uu yiri, “Waxaan ahaa wadaad kaniisad muddo 15 sano ah, oo waxaan ahaa hoggaamiyaha kaniisadda, taas oo lahayd 100,000 oo raacsan, saddex bilood ka hor, waxaan isla kaniisada ka sheegay in aan qabsanno shahaadada, wayna taageereen wixii aan sheegay, wayna ku celceliyeen, ka dib waxaan arkay walaal muslim ah oo noo soo socda.,” ayuu yiri.”
Waxaa uu intaasi ku daray, “Markii ugu horreysay ee la igu casuumay in aan soo xajiyo, maan hubin, waxaan mooday inaanan tagi karin, laakin hadda halkan ayaan jooga anigoo raacaya tallaabooyinkii Nabi Muxammad NNKH, malaayiin dadkayguna waxay raaci doonaan tallaabooyinkan si ay u arkaan iftiinka.”




