Waaxda sirdoonka ee dalka Switzerland (FIS) ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee xukuumadda Moscow ay ka wado gudaha Ukraine in wadankaasi uu halbowle u noqday howlaha basaasnimo ee Ruushka.
Warbixinta FIS waxaa ku cad in ugu yaraan saddex meelood hal meel 220 sarkaal oo uu aqoonsi siiyay Ruushka looga shakisan yahay basaanimo.
Wakiillada Ruushka ayay waaxda sirdoonka ee Switzerland sheegtay inay ku xooggan yihiin magaalada Bern iyo xafiiska Moscow ee qaramada midoobay ee magaalada Geneva.
Warbixinta waxaa qayb ka ah in saraakiisha ugu badan ee sirdoonka Ruushka uu ku leeyahay Yurub oo ku gabbanaya dalladda dibloomaasinnimo inay ku sugan yihiin gudaha dalka Switzerland.




