Dowladda Colombia oo abaal marisay saraakiil carruur soo badbaadiyay

0
288

Madaxweynaha dalka Colombia, Gustavo Petro ayaa billado guddoonsiiyay saraakiil ka tirsan militariga wadankaasi oo soo samata bixiyay afar carruur ah oo la raadinayay 40 cishe.
Carruurtan ayaa ku lumay meel duur ah ka dib markii ay ka badbaadeen shil diyaaradeed.
Shilka ayaa 1-dii bishii Shanaad ee sanadkan ka dhacay gobolka Koonfureed ee Amazonía ee dalka Colombia.
Carruurta la soo badbaadiyay in ka badan hal bil ka dib ayay da’doodu u dhexeysa hal sano ilaa 13 sano.
Waxaa shilka ay ka badbaadeen ku dhintay hooyadood , duuliyihii diyaaradda iyo qof wayn oo kale.
Madaxweynaha ayaa shakhsiyaadka la abaal mariyay u sheegay inay dalkaasi u yihiin astaan ku dayasho mudan.