Shacabka Nyeri oo bixiyay deymaha ugu badan ee Hustler Fund

0
301

Wasiirka wasaaradda horumarinta ganacsiyada yaryar iyo iskaashatooyinka ee dalka, Simon Chelugui ayaa sheegay in ismaamulka Nyeri uu ugu horreeyo bixinta deymaha laga qaatay sanduuqa Hustler Fund.
Nyeri ayaa ah boqolkiiba 76.3 waxaana soo raacda Kiambu oo ah 75.3 boqolkiiba halka ismaamulka Nyandarua ay dowladdu ku sheegtay boqolkiiba 74.5 marka la eego bixinta deymaha.
Ismaamulka Nairobi oo ay barnaamijkan iska diiwaangeliyeen 2 milyan oo qof ayaa waxaa lacagihii la siiyay ilaa iyo hadda dib u bixiyay boqolkiiba 73.8.
Wasaaradda ayaa heerka qaran ee bixinta amaahda Hustler Fund ku sheegtay boqolkiiba 69.
Dadka ugu badan ee lacagahan deynsaday ayay da’dooda u dhexeysa 18 ilaa 29 sano.
Chelugui ayaa xusay in dowladda dhexe ay ilaa iyo hadda bixisay 31.5 bilyan oo amaah ah.
Qiimaha lacageed ee ay kenyaanka dib u bixiyeen ayaa ah 21.2 bilyan oo shilin.