Madaxweynaha Ruushka oo sheegay inuu tallaabo ka qaadaya ciidamada Wagner

0
296

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu tallaabo adag ka qaadi doono ciidamada sida militariga u tababaran ee Wagner oo ka barbar dagaallamaya kuwa Ruushka ee duullaan militari ka wado gudaha Ukraine.
Putin ayaa ciidamadan gaarka ah ku tilmaamay maleeshiyo ka dib kacdoon soo cusboonaaday.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxa Wagner,Yevgeny Prigozhin oo ay horay aad isugu dhawaayeen Putin uu sheegay inay qabsadeen xarumo militari oo ku yaalla labo ka mid ah magaalooyinka Ruushka isagoo xusay in ciidamadiisa ay hoggaamin doonaan xukuumadda Moscow.
Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in Yevgeny Prigozhin uu saraakiisha ka amar qaata uu ku wargeliyay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqa ay ka wadaan Moscow si looga hor tago inuu dhiig daato.
Waxaa uu oggolaaday inuu dalkaasi iskaga baxo oo uu ku noolaado wadanka Belarus ka dib heshiis uu la galay madaxweynaha dalkaasi.