Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ay ka wada hadleen mabaadi’ida dimuqraadiyadda iyo xoojinta xiriirka ay waddamadooda wadaagaan.
Wada hadalka ku dhex maray xarunta aqalka cad ee Maraykanka ayuu Biden ku tilmaamay mid waxtar leh.
Sidoo kale hoggaamiyaha Maraykanka oo la waydiiyay in maamulkiisa uu iska indha tiraya eedeymaha ku aaddan xadgudubka ka dhanka ah xuquuqul aadanaha ee loo jeediyay dowladda India, ayaa ku jawaabay in labada waddan ay yihiin kuwo dimuqraadi ah.
Ra’iisul Wasaaraha India , Narendra Modi ayaa dhankiisa sheegay inay la yaab ku tahay in xukuumadiisa lagu dhaliilaya ka tallaabsashada xuquuqul insaanka.