200 oo ka mid ah shaqaalaha KEMSA oo shaqada laga eryaya

0
213

Dowladda dhexe ayaa shaacisay in shaqada laga joojinaya ugu yaraan 200 oo ka mid ah howlwadeennada maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrinkan lagu dhaqaaqi doono koowda bisha Toddobaad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo gabagabeeyay baaritaano socday labo toddobaad oo in la sameeyo uu amray guddiga cusub ee KEMSA.
Kala bar dadka shaqooyinka laga joojinaya ayaa ku shaqeynayay qaab qandaraas ah.