Haweeney lagu helay xashiish qiimahiisu yahay 380 milyan

0
408

Waxaa lagu soo warramaya in dalka India lagu xiray haweeney dhalasho ahaan ka soo jeedo Kenya oo lagu helay nooca daroogada ee xashiishka oo qiimihiisu yahay 380 milyan oo shilin.
Maandooriyaha ayaa ah 2.5 kiilogaraam.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan ay ka safartay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyadoo daroogada ku qarisay jubbado balse ay ugu dambeyn xeeladeeda ogaadeen maamullada magaalada New Delhi ka dib markii ay garoonka ka soo degtay.