Waxaa lagu soo warramayaa in ka badan 700 oo ka mid ahaa saraakiisha ilaalada ee ismaamulka Kakamega in shaqada laga joojiyay.
Saraakiishan ayaa maamulka dowlad deegaanka Kakamega shaqaaleysiiyay sanadkii 2018-ka.
Qaar ka mid ah shakhsiyaadka shaqada laga joojiyay oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dooday in arrinkan aan lagu wargelin.
Waxaa ay intaasi ku dareen in dad kale oo cusub shaqadoodi lagu beddelay.
Barasaabka ismaamulka Kakamega, Fernandes Barasa ayay baaq ay arrinkan kaga cabanayaan u direen.