Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay bixisay lacag dhan 16.7 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa lagu wareejinaya waayeellada, agoonta iyo naafada.
Waxaa lacagtan loogu talagalay in ka badan hal milyan oo qof.
Qof waliba waxaa la siin doonaa 16,000 oo shilin in kastoo lacagta lagu bixinaya labo xilli.
Dowladda ayaa dadkan bil waliba ugu talagashay min 2,000 oo shilin balse muddo siddeed bilood ah ma aynan qaadan taasoo ay heli doonaan laga billaabo 28-ka bishan 6-aad.
Mr. Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay daryeelidda qaybaha dhibaatooyinka u nugul ee bulshada ka midka ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in miisaaniyadda lagu caawiyo waayeellada , agoonta iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah la kordhin doono si labo sano gudaheeda tirada dadka ka faa’iidaysanaya ay u noqoto 2.5 milyan oo qof.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan , lacagahan la bixin doono dhammaadka bil kasta.