Ugu yaraan 4 meyd oo laga soo saaray guri ku dumay Murang’a

0
310

Waxaa la helay meydadka ugu yaraan afar qof ka dib markii uu dhisme ku dumay ismaamulka Murang’a ee bartamaha dalka.
Booliiska ayaa hoosta ka xarriiqay in guriga soo dumay uu ka koobnaa saddex dabaq.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in weli burburka hoostiisa ay ku xanniban yihiin tiro ka mid ah dadkii dhismahaasi ka shaqeynayay oo aan la cayimin.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Murang’a ,Patrick Mukuria ayaa sheegay in afar qof oo kale la soo badbaadiyay oo hadda lagu daaweynaya isbitaalka guud ee dowlad deegaankaasi.
Taliyaha booliiska ee Murang’a David Kainga ayaa dhankiisa sheegay in la xiray mulkiilaha guriga, injineerkii dhisayay iyo qandaraasle waxaana lagu soo oogi doonaa dacwad ah inay dhimasho sababeen.