Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bogaadiyay heshiis dhaqaale oo ay wada saxiixdeen dowladda Kenya iyo Midowga Yurub.
Waxaa uu is-afgaradkan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo wadanka u horseedaya inuu badeecooyinkiisa u iibgeeyo suuqyada ku yaalla 27 dal.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in heshiiskan uu yahay mid muddo dheer shaqeyn doono oo beeralayda wadanka u damaana qaadaya inay wax soo saarkooda gaar ahaan ubaxyada , qaxwada , caleenta shaaha , khudaarta iyo kalluunka ay u helaan suuqyo la isku haleyn karo oo ay ku iibiyaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale xusay in heshiiska dhex maray Kenya iyo Midowga Yurub uu taageeri doono arrimaha ganacsiga, maalgashiga, isku xirka dhaqaale , shaqo abuurka ,kobcinta dhaqaalaha labada dhinac iyo wada shaqeynta la xiriirta horumarinta ganacsi.
Qiimaha ganacsiga ka dhexeya Kenya iyo Midowga Yurub ayaa sanadkii hore gaaray 3.3 bilyan oo Euro tani oo ah sare u kac dhan boqolkiiba 27 marka loo barbardhigo sansdkii 2018-kii.
The Kenya-European Union Economic Partnership Agreement (EPA) will liberalise trade, offering tariff-free quota-free access to the huge EU market for our exports. pic.twitter.com/ckM0Ur4CCQ
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) June 19, 2023
Trade CS @HonMoses_Kuria, EU Chief Negotiator Dora Correia and Kenya Chief Negotiator and Trade Principal Secretary Alfred KāOmbudo, diplomats and the private sector. pic.twitter.com/65PrfprGii
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) June 19, 2023