Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kilifi ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee dowlad deegaankaasi Rose Ngowa.
Haweeneydan ayaa lagu eedeyay hab dhaqan xumo iyo inaynan ka soo bixin waajibaadkeeda shaqo.
Sidoo kale wakiillada golaha hoose ee Kilifi ayaa xilalka ka qaaday saddex ka mid ah xubnaga guddiga adeegga dadweynaha.
Sida ku cad qoraalka karaaniga golaha hoose ee Kilifi ,Michael Ngala shakhsiyaadkan ayaa kala ah Raymond Mramba Mweni, Alphonce Mrima iyo Patience Mkambe Mwangiri.