In ka badan 40 qof oo lagu dilay DRC

0
216

Ugu yaraan 40 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerar galinkii hore ee maanta lagu qaaday xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.
Richard Dheda oo ka mid ah saraakiisha maamulka ee gobolka Ituri ayaa sheegay in dagaalyahaano ka tirsan isbeheysiga maaleeshiyaadka ee (CODECO) ay bartilmaameedsadeen xerada Lala.
Kooxahan maleeshiyaadka ah ayaa ku andacooda inay qowmiyadda Lendu ka ilaaliyaan qowmiyadda kale ee Hema iyo sidoo kale ciidamada qalabka sida ee DRC.