Xisbiga madaxweynaha dalka William Ruto ee UDA ayaa shaaciyay in la yareeyay qiimaha lacageed ee la soo jeediyay in laga jaro dadka shaqeeya si dhaqaalahan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta ee Housing Fund.
Soo jeedintii hore ayaa ahayd boqolkiiba Saddex balse qiimahan ayaa laga dhigi doonaa boqolkiiba 1.5.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDA Cleophas Malala ayaa tani ku tilmaamay war farxad leh wuxuuna kenyaanka uga mahadceliyay sida ay uga falceliyeen qorshaha maaliyadeed ee dowladda.
Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda oo uruurinayay aragtida dadweynaha ee ku aaddan hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023 ayaa sheegay in qodobka la xiriira lacagaha laga jaraya mushaarka shaqaalaha si wayn looga dooday.
Maanta ama ugu dambeyn berri ayaa la filayaa in guddiga uu warbixintiisa la wadaago golaha qaran ee xeer dejinta.
Siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga muxaafidka ee Kenya Kwanza ayaa sheegay in la meel marin doono hindise maaliyadeedka sanadkan halka xubnaha mucaaradka ee Azimio ay wacad ku mareen inay si wayn uga soo horjeedsan doonaan in qorshahan la ansixiyo.
The Housing Fund contribution has been reduced to 1.5% from the proposed 3%. #RutoListens
— United Democratic Alliance, UDA. (@UDAKenya) June 12, 2023
Good news! The Housing Fund contribution has been reduced to 1.5% from the proposed 3%.
Thank you all for your feedback. #RutoListens pic.twitter.com/dHomBphwxe— Cleo Malalah (@Cleophasmalala) June 12, 2023