Waxaa isagoo 86 sano jir ah geeriyooday ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi.
Waxaa uu ku dhintay isbitaalka San Raffaele ee magaalada Milano, sida ay sheegtay warbaahinta wadanka Talyaaniga.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Talyaaniga ayaa u geeriyooday nooca xanuunka Kansarka ee saameeya dhiigga ee loo yaqaano Leukaemia oo uu labadii sano ugu dambeeyay la daala dhacayay.
Bishii Afaraad ee sanadkan, ayaa Silvio laga daweeyay caabuq kaga dhacay sambabka kaas oo ka dhashay nooc ka mid ah Kansarka oo aan la shaacin.
Silvio Berlusconi Berlusconi oo ahaa maalqabeen caan ah ayaa markii ugu horrreysay qabtay xafiiska ugu sarreeya dalka Talyaaniga sanadkii 1994-kii, waxaana uu hoggaaminayay afar dowladood ilaa 2011-kii.
Waxaa uu sidoo kale hoggaaminayay xisbiga midig dhexe ee Forza Italia, kaas oo isbehaysi la galay ra’iisul wasaaraha haatan ee Talyaaniga Giorgia Meloni, ka dib doorashooyinkii bishii Sagaalaad ee sanadkii hore dhacay, markii la doortay aqalka sare ee wadankaasi.
Silvio Berlusconi Berlusconi ayaa mar soo nooqday milkiilaha kooxda kubaadda cagta ee Ac Milan ee ka cayaarta horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A.