DHAGEYSO:Wetangula oo siyaasiyiinta ugu baaqay inaynan shacabka marin habaabin

0
277

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa xildhibaannada baarlamaanka ku boorriyay in marka hindise maaliyadeedka sanadkan golaha la hor geeyo ay beddelaan qodobbada aynan ku qanacsanayn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan qaar ka mid ah madaxda oo shacabka ku marin habaabinaya goobaha fagaaraha ah marka ay ka hadlayaan qorshahan.
Wetangula ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kakamega waxaa uu mudanayaasha kula taliyay inay sida habboon u adeegsadaan awoodda ay ku leeyihiin wax ka beddelka xeerarka ay soo saarto dowladda dhexe.

Wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa dhankeeda sheegtay inay jiraan waxyaabo badan oo ay dadweynaha dani ugu jirto oo ku xusan hindise maaliyadeedka 2023 sida in la yareeyay qiimaha caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.

Barasaabka ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa ayaa dhankiisa madaxda la soo doortay ka codsaday inay si qoto dheer u eegaan hindisaha oo ay meesha ka saaraan qodobbada sare u sii qaadaya qiimaha maciishadda.

Guddoomiye ku xigeenka Kakamega Ayub Savula ayaa isna guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula u soo jeediyay inuu madaxweynaha dalka William Ruto kala hadlo arrimaha taabanaya nolosha kenyaanka