DHAGEYSO:Guddoomiyaha Wajeer oo dhagax dhigay dhisidda qaybta daryeelka degdegga ee isbitaalka guud

0
241

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi oo dhagax dhigay dhismaha xarunta la tacaalidda xaaladaha degdegga iyo shilalka ee isbitaalka wayn ee Wajeer ayaa faahfaahin ka bixiyay faa’iidada ay soo kordhinaysa qaybtan cusub.

Dhanka kale, senetarka ismaamulka Wajeer Cabbaas Sheekh Maxamad ayaa soo dhaweeyay dhismaha xaruntan cusub, wuxuuna shacabka ku boorriyay inay madaxda uga mahadceliyaan waxqabadkooda.