TSC oo kordhisay muddada dallacsiinta macallimiinta

0
247

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa shaaciyay in maalmo dheeraad ah lagu kordhiyay muddada kama dambeyska ee loogu tala galay in la qabto codsiyada ku aaddan dallacsiinta barayaasha.
TSC ayaa xayeysiisay 14,000 oo fursadood oo ah kuwa maamulayaasha dugsiyada sare , ku xigeenadooda , maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo macallimiinta sanado badan shaqeynayay.
Hasa ahaate guddiga ayaa sheegay in tirada macallimiinta ee codsiyada soo dirsaday ay ka hooseyso inta u qalanta in loogu daro heerka shaqada sidaasi awgeedna mudaddii horay loo shaaciyay ay ku egtahay 15-ka bishan June.
TSC ayaa warbixin ku sheegtay inay jiraan kumanaan dugsiyo ah oo aan lahayn maamulayaal iyo ku xigeeno sidaasi awgeedna loo baahan yahay in jagooyinkan la buuxiyo.