Barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Nassiir ayaa sheegay in khubarrada caafimaadka ee dowlad deegaankaasi ay baaritaano ku hayaan 80 xaaladood oo lala xiriirinaya cudurka daacuunka.
Waxaa uu sheegay in 2 qof ay cudurka daacuunka ugu dhinteen ismaamulkaasi.
Barasaabka Mombasa ayaa intaasi ku daray in la billaabaya olole wacyigelin ah oo ka dhan ah cudurka daacuunka ,islamarkaana 30-ka deegaannada hoose ee hoos tago ismaamulkaasi laga hirgelinayo xarumo lagu daryeelaya dadka uu cudurka soo rito.