Golaha MCK iyo ururka milkiilayaasha warbaahinnada oo doonaya saaxaafad madax bannaan oo waarta

0
288

Golaha warbaahinta dalka ee MCK iyo ururka ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha warbaahinnada ee (MOA) ayaa iska kaashan doona sidii loo xaqiijin lahaa jawi saxaafaadeed oo ammaan ah islamarkaana waara.
Waxaa ay labada dhinac ku heshiiyeen in ay billaabaan riixitaanka qaab-dhismeedka siyaasadda warbaahinta oo dhamaystiran, si loo xaqiijiyo madax bannaanida warbaahinta dalka.
MCK iyo MOA ayaa sidoo kale la kaashan doonaan daneeyayaasha kale ee warbaahinta, si loo wanaajiyo xiriirkii wada shaqayneed ee u dhexeyay dowladda iyo warbaahinta, iyada oo la ilaalinayo madax-bannaanida saxaafadda.
Madaxa fulinta ee MCK David Omwoyo ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn ay tahay xaqiijinta xiriir wanaagsan oo dhexdhexaad ah oo dhexmara warbaahinta iyo dowladda iyadoo lagama marmaan tahay la xisaabtanka dowladda.
Waxaa uu xusay in saraakiisha dowladda fursado ku filan loo siinayo in ay kenyaanka u gudbiyaan siyaasadahooda iyo qorshahooda.
Mr. Omwoyo ayaa intaasi ku daray in guddiga cabashada ee warbaahinta ee MCC loo saameeyay si ay u go’aamiyaan una xalliyaan khilaafaadka la xiriira dhanka saxaafadda.
Waxaa uu hay’adaha warbaahinta kula dar daarmay in ay ka faa’iideystaan, si loo gaaro xallin ku dhisan dhexdhexaadnimo.
Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha warbaahinnada ee (MOA) Agnes Kalekye ayaa dhankeeda xaqiijisay sida ay warbaahinta uga go’an tahay muujinta arrimaha danta guud, oo ay ku jiraan hindisayaasha dowladda.
Waxaa ay intaasi ku dartay in ururka MOA uu kulan wada jir ah la yeelan doono tifaftirayaasha dhanka wararka, mulkiilayaasha iyo mas’uuliyiinta dowladda si ay uga wada hadlaan qaabkii loo soo celin lahaa xiriirkii wada shaqayneed ee labada dhinac kaas oo dammaanad qaadaya xurriyadda saxaafadda.
Ms. Agnes ayaa ugu dambeyn sheegtay in dowladda la siin doono madal lagama maarmaan ah oo ay ku gudbinayso ajandayaasheeda.