Maxkamadda sare ee dalka ayaa meesha ka saartay xannibaad horay loogu soo rogay akoonnada bangiyeed ee madaxa waaxda diiwaangelinta ee garsoorka wadanka Anne Amadi.
Tani ayaa timid ka dib markii garsoore Alfred Mabeya uu sheegay in aynan jirin wax caddeyn ah oo loo cuskan karo fadeexad lala xiriiriyay Amadi.
Xaakinka ayaa xusay in aan loo soo bandhigin wax muujinaya in haweeneydan ay ka faa’iiday fadeexadda dahabka ee la sheegay inay ku lug lahaatay.
Bishii hore ayay ahayd markii ay maxkamaddu amartay in aan lacago lagala bixi karin akoonnada Anne Amadi.
Waxaa madaxa diiwaangelinta waaxda garsoorka ee dalka , wiilkeeda Brian Ochieng iyo shakhsiyaad kale dacwad ka gudbisay shirkad ka ganacsatada dahabka oo uu fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka isu tagga imaaraadka carabta.
Shirkadda Bruton Gold Trading LLC ayaa dacwadeeda ku sheegtay in Anne Amadi oo wakiil ka ah shirkadda bixisa adeegyada sharciga ee Amadi and Associates Advocates ay ka qaadatay 89 milyan oo shilin in kastoo aynan wareejin dahab lagu heshiiyay.
Hasa ahaate garsoore Alfred Mabeya ayaa maanta go’aamiyay in aan la hayn caddeyn ku aaddan in Amadi ay ku lug lahayd howlaha shirkadda lagu diiwaangeliyay magaceeda.