Kenya oo sare u qaadaysa xiriirka kala dhexeya dalalka kale ee caalamka

0
291

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta xiriirka saaxiibtinimada ku saleysan ee ay la leedahay waddamada kale ee dunida.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal ku sheegay in tani looga gol-leeyahay xasilinta gobolka geeska Afrika sidoo kale dardargelinta howlaha ganacsiga iyo maalgashiga.
Ruto ayaa sheegay in tani ay qaaradda Afrika ka dhigi doonto mid gaarta horumar wax ku ool ah.
Dhanka kale madaxweynaha dalka ayaa magaalada Lusaka kulan dooceedyo kula qaatay dhigiisa Masar, Cabdel Fattax El-Sisi iyo madaxweynaha Zambia, Hakainde Hichilema .