Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Booliiska Nairobi oo gacanta ku dhigay rag lagu heley raashiin bacrimin ah

Booliiska Nairobi oo gacanta ku dhigay rag lagu heley raashiin bacrimin ah

Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa xiray shakhsiyaad waday raashiin bacrimin ah oo ay dowladda dhexe leedahay.
Waxaa eedeysanayaasha oo afar ah laga soo qabtay waddada Nanyuki ee aaga Lunga Lunga ee magaalada Nairobi.
Taliyaha booliiska ee magaala madaxda wadanka Adamson Bungei, ayaa sheegay in heleen xog ku saabsan arrintan.
Waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale ay gacanta ku soo dhigeen 1,360 Kiish oo bariis ah iyo 200 oo kiish oo galley ah .
Intii uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale lagu soo qabtay 50,000 oo kiish oo bacrimin ah.
Taliyha booliiska ee Nairobi ayaa digniin u diray cid kasta oo ku lug yeelata falal dambiyeedyada.
Afarta eedeysane ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments