Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Mucaaradka oo maanta shaacin doono go’aankiisa ku aaddan hindise maaliyadeedka

Mucaaradka oo maanta shaacin doono go’aankiisa ku aaddan hindise maaliyadeedka

Waxaa lagu wadaa in maanta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan hindisaha maaliyadda ee sanadkan 2023-ka ee si wayn looga hadal hayo gudaha wadanka.
Isbeheysiga Azimio ayaa maalmo ka hor sheegay in maanta ay soo saari doonaan bayaan faahfaahsan oo ku saabsan sababaha ay uga soo horjeedaan qorshahan.
Madaxa mucaaradka Raila Odinga oo horay u dhaliilay hindise maaliyadeedka baarlamaanka loo gudbinaya ayaa sheegay in siyaasiyiinta ka tirsan Azimio lagula taliyay inay ka soo horjeestaan ansixinta hindisaha Finance Bill 2023.
Waxyaabaha hindisaha ku xusan waxaa ka mid ah in canshuurta badeecooyinka iyo adeegyada ee VAT laga dhigo boqolkiiba 16.
Raila Odinga ayaa madaxda taageeraya hindisaha maaliyadda ku tilmaamay cadowga shacabka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 15-ka bishan wasiirka wasaaradda maaliyadda Prof. Njuguna Ndung’u uu baarlamaanka u bandhigo qorshaha sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments