Waxaa maxkamad ku taalla ismaamulka Mombasa ka soo hormuuqday mid ka mid ah dadka ka shaqeeya farmashiyaasha oo ku eedeysan inuu gabadh 15 sano jir ah u fududeeyay inay iska soo xaaqdo canug ay uurka ku sidday.
Gabadhan ayaa uurka qaaday ka dib markii la faraxumeeyay.
Garsooraha sare ee maxkamadda Mombasa,Martha Mutuku ayaa loo sheegay in eedeysane Amos Nzioki uu falkan gaystay 3-dii bishan.
Saraakiisha dacwad oogidda ayaa sheegay in eedeysanaha uu gabadha siiyay daawo ay uurka iskaga soo ridday.