Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wetangula oo madaxda ugu baaqay dib u heshiisiin

Wetangula oo madaxda ugu baaqay dib u heshiisiin

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa madaxda siyaasadeed ugu baaqay inay fursad siiyaan dadaallada dib u heshiisiinta.
Wetangula ayaa hoosta ka xarriiqay in arrimo la isku hayay oo laga heshiiyay awgeed ay Kenya ka badbaaday colaado , dhimashooyin iyo burbur.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo garabka mucaaradka ee Azimio ay wacad ku mareen in haddii baarlamaanka uu ansixiyo hindise maaliyadeedka muranka dhaliyay inay abaabuli doonaan shacabka si loo sameeyo dibadbaxyo waawayn.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in dastuurka wadanka u degsan ee la soo saaray sanadkii 2010-kii uu qeexaya muhiimadda dib u heshiisiinta gaar ahaan mabda’ ah in murannada laga heshiiyo.
Sabina Chege oo baarlamaanka si magacaabid ah ugu biirtay ayaa dhankeeda isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ka codsatay inuu dib uga fikiro go’aanka uu uga xayuubiyay jagada ku xigeenka madaxa abaabulka ee siyaasiyiinta laga tirada badan yahay iyadoo lagu saleynaya dib u heshiisiin.
Waxay sheegtay inaynan ku caasin isbeheysiga Azimio balse ay aragtideeda dhanka wada shaqeynta ballaarisay iyadoo qaranka u daneynaysa.
Sabina ayaa xilkan laga qaaday ka dib markii uu mucaaradka ku eedeyay inaynan Azimio daacad u ahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments