Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka oo ku taliyay in Kamau Thugge uu hoggaamiyo...

Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka oo ku taliyay in Kamau Thugge uu hoggaamiyo CBK

Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha ayaa golaha qaran ee xeer dejinta u soo jeediyay inuu ansixiyo magacaabidda Kamau Thugge oo uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto u soo xushay madaxa bangiga dhexe ee CBK.
Bayaanka guddiga waxaa ku cad in turxaan bixin ka dib ay xubnaha ku qanceen in xoghayihii hore ee wasaaradda maaliyadda uu u qalmo jagada loo magacaabay.
15-kii bishii hore ee May ayay ahayd markii uu madaxweyne Ruto xulashadan sameeyay.
Waxaa uu Thugge beddelaya Dr. Patrick Njoroge oo bangiga dhexe ee dalka hoggaaminayay tan iyo bishii 6-aad ee sanadkii 2015.
30-kii bishii hore ayay ahayd xilli la turxaan bixinayay oo uu sheegay in tallaabada ugu horreysa ee uu qaadaya ay tahay inuu xasiliyo qiimaha shilinka dalka marka loo barbardhigo doolarka Maraykanka.
Kamau Thugge ayaa ka hor inta uunan noqon xoghayihii wasaaradda maaliyadda ee sanadkii 2013-kii waxaa uu laga soo billaabo 2010-kii ahaa la taliyaha sare ee arrimaha dhaqaalaha ee wasaaradda.
Waxaa uu intii u dhexeysay 1985-tii ilaa 2010-kii ka shaqeynayay sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee IMF oo uu ka soo qabtay xilalka dhaqaalayahan, dhaqaalayahan sare iyo ku xigeenka madax waaxeed.
Dr. Kamau Thugge ayaa haysta shahaadada heerka PhD ee culuunta dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments